Tan iyo markii ay dhammaaden doorashooyinkii golayaasha degaanka ee dalka ,isla markaana doorashadaasi lagaga adkaaday golihii hore ee hayey maamulka degmada Saylac ,ayaa waxa soo baxayey xaalado kala duwan oo ka hor imanaya nidaamka sharci ,iyo natiijooyinkii doorashooyinkaasi ee isbeddel ku keeni lahaa degmooyinka Saylac iyo Lughaya oo ka tirsan gobolka awdal ,waxayna arrintu noqotay in guuldarada beelihii haysan jiray xukunka degmooyinkaasi ilaa maanta qaadan laayihiin guuldaradaasi,iyadoo ilaa maalintii lagu kala baxay doorashooyinkaasina ,ay siyasiyiin iyo dad kale oo ka tirsan maamulka soomaaliland kanasoo jeeda beesha Ciise cabashooyin iyo hanjabaado kasoo jeedinayaan Tvga sateliteka ah ee loo yaqaan HCTV,ama horn Cable Tv .
Tvgaan sateliteka ah ayaa ilaa maalintaasi waxa degmada Saylac kasoao weriyaa hadallo uu kasoo xigto beesha Ciise siyaasyiintooda ,iyo hogaamiyedhaqameedyadooda ,isagoo an haba yaraatee wax barnaamij ah oo lagu diidanyahay dibudhaca isbeddelka maamulka degmadaasi Saylac ,tii Lughayaadna dar Ilaahay iskaga dhammaatay .
Horn Cable ayaa la arkaa isagoo ay ka hadlayaan siyaasiyiinta Ciise ee xoogga iyo xeer la’aantaba ku doonaya inay sii haystaan degmadaasi xeebta ah kaddib labaatan sannadood oo anay beesha amarroon marnaba kan hadal xukunkaasi.
Waxa caado u noqotay in Tvyada Somalai channel iyo horn Cable iskaga mid yihiin sida uu usoo xusho barnaamijyada lagu diidanyahay in golaha u badan hoggaanka beelaha samrroon oo gacanta ku qabto degmadaasi ,iyagoo wararka la xidhiidha sda arrintaasi ay sharci u tahayna wax yar kasii daaya ,ama iskaba tirtira .
Sida lagasooa xiogtay warar lagu baahiyey shabakadaha reer awdal ,Somali channel waxa uu dhegeha ama teleefanada ka xidhay qaar ka mid ah siyaasiyiin reer awdal ah oo debedda jooga kana qayb geli dood ku saabsanayd cidda asal ahaan iska leh Sayac iyo Lughaya ,isagoo TVgaasi xaruntiisu tahay London uu warka sheeashada beenta ah kuqaada dhaigayey beelaha ciise iyo kuwa beelaha dhexe siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda .
Haddab iyadoo ayba iska dhammaatay tii somali chanel ayaa waxa ilaa hadda socda dacaayadaha laga hagayo debedda ama dalalka deriska ah qaarkood ,loona malaynayo in masuulyiinta HCTV ku qaateen lacago ciiddaa leeg oo uu ka helay dawlad la sheegay inay ka dambayso beelaha Ciise ee xaqdarada ku doonaya maamulka saylac.
Marka loo dhabbo galo su’aalaa ay weriyayaasha Hctv weydiiyaan maamulka sharciga ah ee Saylac iyo kooxda ku doodaysa sharcidarada maamul,ayaa ujeedadooda si cad looga garan karaa su’aal ay weydiiyeen maayarka Saylac maalintii xilka loo tirin lahaa ,lana gubay gaadhigii uu ku shaqayan lahaa ,waxayna yidhaa ,sideed ku doonaysaa inaad u maamusho meel lagaa necebyahay,gaadhigaagiina lagu gubay?gaadhiga dawladda ayaa lahayd ,maayarkuna codbuu kusoo baxay,ma iyakaa garsoor ama iyagaa HCTV komishan ka ahaa saylac .Waxa ka horreeyey waraysiuyo uu bixiyey kuna hanajabayey Cali aareeye oo daahir rayaale magacaabay balse an cidi soo dooran kuna hadla afka ciisaha ,waxa kale oo uu soo xigtaa hadalada badhsaabkii la eryey ee laba aliflaha ka ahaa ciidanka jabuuti ,waxa kale oo uu soo qaataa siyaasiyiin been ku nool oo ku jirta golayaasha baarlamaanka soomaaliland ,iyo dasd kale oo dhammaantood isku qolo ah .
Sidaa darteed wxay dad badan oo ku nool gobolka awdal isweydiinayaan sababta HCTV ku kelliftay inuu warar an dhex dhexaad ahayn ka baahiyo arrimaha saylac ,isla markaana uu xaqiiqada ka jirta dhulkaasi qariyo ,iyagoo dadka qoonsaday ama arkay xaqiiqada dhabta ah ee ka dambaysa ararka HCTV DOSOO JEEDIYEEN INAAN WAXBA LAGU DARSAN tVGAASI ,,reer awdalna warbaahintooda u adegsadaan Tvyada dhexda u ah arrimaha soomaalida .
Adan yare
January 22, 2013 at 10:38 pm
Geelow geed waliba daqdee markaad gamoor daaqdaa laguu yaaba hctv waxuu ka soo warama goobta ay xaladu ka tagantahay ee .xaladuna waxau ka tagantahay saylac ee maha boorame iyo ruqi.markaa nin dhul soo weeraray wax laga waraysto malaha ,dawlada jabuti eed shegaysiina waa qaran ee sidina qudhun qas kama shaqayso lkn waxaad ogataan in uu ciise ;aanta ninka saylac sheegta uu diyaar ugu yahay inuu gurigiisa ku gubo .ciise maha beel dhulbalaadhsi rabta sidiinoo kale dhulkayagu uu nugu filanyahay ninkii far tabsiiyana .waxaa kudhici gacantii ku dhacday canfarta ethiopia dagta.ee fadlan beerihika qota oo saylac iska ilaawa.